Koonfur Galbeed oo soo bandhigtey xubno kasoo goostey "Khawaariijta"

Image
Taliska Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay xubnahan isa soo dhiibay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey 8-Xubnood Oo ka Tirsanaa Khawaarijta Oo isku soo dhiibey Ciidanka Nabadsugida koonfur Galbeed. 

Xubnahan isu soo dhiibay ayaa Khawaarijta uqaabilsanaa dhanka Jabhadaha iyo Xisbada 

Ciidanka Hay'ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa labadii isbuuc ee lasoo dhaafay soo bandhigey ku dhowaad 25 Xubnood Oo kasoo goostay khawaarijta. 

Isu soo dhiibista xubnahan ayaa imaanaysa iyadoo Deeganada Koonfur Galbeed ka socdo wajiga labaad ee Dagaalka Dalka lagaga xuraynaayo khawaarijta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM