Kooxda AS oo weerartay xaruntii Hay’adda NISA ee Balcad

Image
Khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu waramay inuu ka dhashay weerarkan.

MUQSISHO, Soomaaliya — Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka weerar ku qaaday degmada Balcad, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Maleeshiyada ayaa beegsaday saddex bar kontorool iyo xafiis amni oo ku yaalla magaalada.

Ilo wareedka ayaa xusay in dableyda ay u muuqdaan inay dib uga gurteen magaalada kadib duulaanka.

Wararka qaar ayaa tibaaxaya in meelaha la beegsaday ay kamid tahay xaruntii Hay’adda NISA ee degmada Balcad uuna soo gaarey burbur baaxad leh.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalyahanadooda ay gudaha u galeen saldhigga iyo "inta badan" xaafadaha magaalada.

Balse ilo deegaanka ah ayaa hadda sheegaya in maleeshiyadii ay dib u gurteen isla markaana ay ka baxeen magaaladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM