​Ku dhawaad 100 qof oo cudur aan la aqoon Jubbooyinka ugu geeriyooday

Image

MUQDISHU- Warar madax banaan oo laga helayo ilo caafimaad iyo goob joogayaal ku sugan gobollada Jubooyinka gaar ahaan Jubbada dhexe, ayaa sheegay in halkaasi ka dillaacay cudur aan la aqoon balse leh astaamo kala duwan kaasi oo galaaftay nolosha dad ku dhaw 100 ruux.

Xanuunkan ayaa soo ritay badi dadkii ku noolaa deegaanada Bu’aale, Salagle, Saakow iyo tuulooyinka ku dhow, waxaana caalamadihiisa lagu sheegay Shuban iyo Matag.

Madaxa kormeerka iyo qiimaynta hay'adda masiibooyinka Somalia Maxamuud Xasan, oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in cudurkan uu leeyahay khatar islamarkaana khasaaraha dhimashada kor u sii qaadi karo, sidaasi darteed loo baahanyahay in gurmad la sameeyo oo dowladda iyo hay'adaha caalamiga ah wax ka qabtaan.

“Cudurkan waxa uu leeyahay laba astaamood oo kala ah, shuban iyo matag, todobaadkii la soo dhaafay waxaa naloo soo sheegay in 100-qof ay u dhinteen, 20-kii saac ee aan soo dhaafnayna waxaa u geeriyooday cudurkaas 45-qof,” Ayuu yiri Maxamed Xasan.

Maxamed Xasan, ayaa tilmaamay in degmada Saakow oo kaliya 24-kii saac ee lasoo dhaafay inay ku geeriyoodeen 40 ruux halka shan kale u jiifsadeen.

Cudurkan oo horay deeganadaasi looga arag noociisa ayaa kusoo beegmaya xilli abaaro xooggan jireen gobolladaasi qaybtood ka jireen, lamana garanayo waxa uu xiriir la leeyahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM