Kulamo ka socda Kismayo iyo wufuud ku qulquleysa

Image

Kismayo [ GAROWE ONLINE]- Wafdi kale oo uu hogaaminayo Faarax Sheekh Cabdiqaadir Wasiirka Dastuurka iyo Garsoorka DFS ayaa maanta 26 August,2014 galinkii dambe gaarey magalada Kismaayo 

Xubno ka tirsan Wasiirada maamulka Jubbaland ayaa garoonka ku soo dhoweeyay Wasiir Faarax iyo xubno kale oo la socday waxaana loo kexeeyey Madaxtoyada si ay ugu biiraan wafuud shalay magaalada gaartay.

Kulamo ayaa waxaa saaka uga bilowdey hoolka shirarka Madaxtooyada wafuud ka socota DFS, madaxda Jubbland iyo ergo ka socotay IGAD waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa golaha guurtida odayasha Jubbaland.

Saxaafada ayaa gabi ahaan banaanka looga saaray hoolka shirarka hase ahaatee warar hoose oo ku so dhacaya warqabadka GO Kismayo ayaa sheegaya in laga wada hadlay arrimaha dib u heshiinta iyo dhameystirka maamulka Jubbaland oo la sheegey inuu weli qabyo yahay.

Kulamo kale ayaa la filayaa in galabta ilaa iyo caawa qabsoomaan kaddibna war murtiyeed laga soo saaro qodobada la isla meel dhigo.

Wafuuda joogta Kismaayo ayaa sida lagu wado waxaa ay sii joogi doonaan ilaa laba cisho.

Kala soco Garowe online wararka soo kordha 

Xafiiska Kismaayo, GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Cambaareysay Weerarkii lagu Qaaday Madaxdii Hore ee Soomaaliya

Puntland waxay uga digtay dowladda federaalka in haddii aan si deg-deg ah heshiis looga gaadhin doorashooyinka dib u dhacay.

  • Soomaliya

    04-06-2026

  • 02:15PM

Fiqi oo ku eedeeyay Sheekh Shariif iyo Khayre inay abaabuleen afgambi ka dhan ah Xasan Sheekh

Fiqi ayaa sidoo kale ku andacooday in mucaaradku ay abaabuleen maleeshiyaad si weyn u hubeysan iyagoo ku gambanaya banaanbax nabadeed.

  • Soomaliya

    04-06-2026

  • 07:24AM