Kulamo Xasaasi ah oo ku saabsan Mooshinka Jawaari oo ka socda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa caawa magaalada Muqdisho ka soconaya Kulamo xasaasi ah, oo looga hadlayo Mooshinka Kalsooni kala noqoshada ee laga keenay Maxamed Cismaan Jawaari, Gudoomiyaha Gollaha Shacbak ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegay in Xildhibaano gaaraya 70 oo la safan Jawaari ay kulan ku leeyihiin xarunta Gudoonka Baarlamaanka ee Villa Hargeysa, iyadoo Shir kaas ka duwan ay qaateen Guddiga Aqalka Sare ee xalinta Khilaafka.

Xildhibaanada taageersan Jawaari ayaa ku doodaya in Mooshinka uu meesha ka baxay, oo noqday mid ka gudbay mudadii loogu tala galay in Gollaha Shacabka lagu horkeeno, taasi oo ku beegnayda maanta, 28-ka Maarso.

Dhanka kale, hogaanka Aqalka Sare ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatey Cabdiweli Ibraahim Muudey, Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gollaha Shacabka iyo Mahad Cadalla Cawad, oo ah ku xigeenka 2aad, iyagoo kala hadlay qaabka loo wajahayo Mooshinka.

Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay in Kulanka la isku mari waayay labo arrimood oo kala ah; mudeynta cod u qaadista Mooshinka iyo in Ciidamada laga soo dul-qaado Xarunta Gollaha Shacabka.

Maanta oo Taariikhdu ku beegneyd 28-ka ayay ku ekeyd maalintii uu soo jeediyay Gudiga Aqalka Sare ee loo xilsaarey xalinta Khilaafka taagan in Mooshinka la horgeeyo Gollaha Shacabka, kadibna cod qarsoodi ah lagu kala baxo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM