Kulan Loogu mahad-celinaayay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo ka dhacay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

Kulan gaar oo loogu mahadcelinaayay Hay'adda Hormuud Salaam Foundation gurmadkii ay ka sameysay fatahaadii wabiga Shabeelle uu ka geystay gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa lagu qabtey magaaladda Muqdisho.

kulanka waxaa goobjoog ahaa Gudoomiyaha Hay'adda Hormuud Salaam Foundion, Gudoomiyaha gudiga Gurmad Walaal, Agaasimaha guud ee wasaaradda Dastuurka.

Ugu horeen waxaa madashaasi ka hadlay Gudoomiyaha gudiga Gurmad Walaal Ciise Maxamed Cumar wuxuuna sheegay inay mahad balaaran u jeedinayaan hey’ada Hormuud Salaam Foundation oo si damqasho leh uga jawaabtay baaqyadii ug yimid dadka dhibaatadu saameysay.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Dastuurka kana mid ahaa gudiga gurmadka Shabellaha Dhexe ee fatahaadaha Maxamed Abuukar Zubeer ayaa ka mahad celiyay garab istaagii Hay'adda Hormuud Salaam Foundation.

Gudoomiyaha Hay'adda Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ka hadlay sidii ay mas'uuliyad isga saareen u gurmashada dadkii uu saameeyay fatahaada wabiga Shabelle ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Related Articles

Xasan Sheekh oo soo bandhigay qaabka lagu xalin karo xiisadda Masar iyo Itoobiya

Hadalkan madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay Itoobiya si rasmi ah u daahfurtay biyo-xireenka.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 12:28PM

Booliiska oo Xiray TikTokers Heestii Ololaha Doorashadda Xasan Sheekh u bedelay Aflagaado

Xariggan ayaa dib u kiciyay dood adag oo ku saabsan doorka baraha bulshada ee Soomaaliya, gaar ahaan TikTok.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 06:03AM