Kulanka Axmed Madoobe iyo danjiraha Qadar oo la fahfaahiyey

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxtooyadda Jubbaland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay fahfaahin kaga bixisay kulan dhexmaray madaxweyne Axmed Madoobe iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Qadar.

Danjire Xasan Xamza Asad iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan gaar ah waxay ku yeesheen Madaxtooyadda Jubbaland ee Kismaayo, waxaana goobjoog ka ahaa mas'uuliyiin labada dhinac ka socday.

Sidda lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Villa Jubbaland, kulanka waxaa diiradda lagu saarey arrimo ay kamid yihiin dardargelinta mashaariic horumarineed oo uu ku jiro dayactirka garoomo diyaaradeed.

Hoos ka akhriso bayaanka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowlada Qatar ee Soomaaliya Xasan Xamza Asad.

Safiirka iyo Wafdiga uu hogaaminayo oo Magaalada Kismaayo u yimid furitaanka Mashaariic Dowlada Qatar ay ka fulisay Jubbaland ayaa waxaa kamid ah Masuuliyiin sidoo kale kasocda Hay’ada gargaarka Dalka Qatar iyo xubno kale.

Waxaa Madaxweynahu uu Safiirka uga mahad celiyay Adeegyada hormarineed ee Qatar ay ka fulisay Jubbaland iyadoo la isku raacay in la dardar galiyo Mashruucyada dhiman ee mustaqbalka dhow waxaana ugu muhiimsan Adeegyada Caafimaadka Waxbarashada Beeraha iyo garoomada Diyaaradaha.


Qadar ayaa kamid ah dowladaha aadka ugu dhow Villa Soomaaliya uusan fiicneyn xiriirka kala dhaxeeya maamulka Axmed Madoobe oo dhowaan iska diidey aqoonsi ku meelgaar ah oo dowladda federaalka ah siisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM