Kulanka Barlamanka Federalka Soomaaliya oo baaqdey markale [ Sababta]

Image

MUQDISHO- Kulankii la filayey in aqalka hoose ee Barlamanka Federalka Soomaaliya ka yeesho mooshinkii ka dhanka ahaa Jawaari ayaa saaaka baaqdey markale kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu guul laga gaarey wadahadal ilaa xalay u socdey Madaxweyne Farmaajo iyo Jawaari.

Warar hordhac ah oo kasoo baxay kulan ilaa xalay u dhexeeyey Madaxweyne Farmaajo, Gudoomiyaha mooshinka ka yaalo (Jawaari) iyo ku xigeenka labaad ee Golaha shacabka   ayaa waxaa laga gaarey is-afgarad taasoo sababtey in la baajiyo fadhiga Xildhibaanada saaka. 

Madaxda dowlada Federaalka [Farmajo, Jawaari, ku xigeenada Barlamanka iyo RW Khayre] ayaa wararku sheegayaan in kuwada sugan yihiin Villa Soomaaliya.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey iyadoo Xildhibaanada labada dhinac isu diyaarinayeen iney tagaan aqalka markii hadalkaan soo baxey.

Khilaafka u dhexeeya Xildhibaanada Barlamanka Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey asbuucyadii lasoo dhaafey kadib markii ay ku heshiin waayeen nidaamka loo marayo mooshinka xilka looga qaadayo Gudoomiye Jawaari.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ayaa soo kala dhexgaley sidii xal looga gaari lahaa khilaafkaan oo dhinac uu ka yahay Ra’isal wasaare Khayre.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM