Kumuu ahaa ninka Al-Shabaab ku afduubtay Muqdisho?

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa Muqdisho ka fulisay Maanta fal afduub ah, oo u geysatay nin horey uga tirsanaa, balse dhanka dowladda uga soo goostay dhawaan.

Saciid C/llaahi Seerjito, oo u qaabilsanaan jiray Al-Shabaab dhanka Luuqadaha qalaad iyo Computer-ka, maadaama uu ahaa macalin Network Engineering ka bartay Jaamacad ku taalla Muqdisho.

Dabley hubeysan ayaa ugu galay Gurigiisa oo ku yaalla degmada Deyniile, ee waqooyiga Caasimadda xili hore Maanta, waxayna ula dhaqaaqeen dibadda Muqdisho, oo Al-Shabaab ku leedahay saldhigyo.

NISA ayaa ninka waardiye ka ahayd tan iyo markii kasoo baxay Al-Shabaab, iyadoo lagu ilaalinayay hoygiisa Jiingadda ka sameysan, oo inta manqas lagu jeexay ay Al-Shabaab kala soo baxday.

Seerjito ayaa dhawaan kasoo muuqday barnaamijka Gungaar ee ka baxa SNTV, isagoo ka sheekeeyay fekerka Al-Shabaab iyo sida isaga loo xagjireeyay xili uu Muqdisho ku sugnaa 2008-dii.

Mudo dheer kadib ayuu isaga baxay Al-Shabaab, wuxuuna ku biiray Daacish, kahor inta uusan dhanka dowladda usoo goosan, sida ay sheegeen saraakiisha amniga dowladda.

Wuxuu ahaa shaqsi muhiim u ahaa Al-Shabaab oo muuqaaladda ay soo saarto ugu tarjumi jiray luuqadaha Carabiga iyo Ingiriiska oo uu aad u yaqaaney, waxaana la ogeyn inay dili doonto iyo inkale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM