Kuraasta ka banaan Gollaha Shacabka oo la dooranayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gudiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliimo Yareey ayaa ka hadashay doorashada Kuraasta ka banaan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xaliimo Yareey ayaa xustay in Gollaha Shacabka ay ka banaan yihiin saddex Kursi oo deegaan doorashooyinkooda kala yihiin Jubbaland, Galmudug iyo gobolka Banaadir, kuwaasi oo Xildhibaanadii ku fadhiyay ay geeriyoodeen.

Waxay ugu baaqday Beelaha loo qoondeeyay Kuraastan banaan ee 3-da ah in ay la yimaadaan musharixiintii ugu tartami lahaa, iyadoo sidoo kale lasoo dhameystirayo shuruudaha gaarka ee u degsan doorashada Xildhibaanada.

Xaliimo ma aysan sheegin waqtiga rasmiga ah oo ay dhici-doonto doorashada kuraasta, balse waxay carabka ku adkaysay inay ka war sugayaan ka guddi ahaan sida murashaxiinta isu-diiwaan-geliyaan.

Kuraasta banaan waxaa ka geeriyooday, Bootaan Ciise Caalin, Cabaas Cabdullaahi Siraaji oo ciidamada dowladda ku dileen sanadkii tagey Muqdisho iyo Xildhibaan Saciid Xasan Geedi, oo iska geeriyooday.

28-kii bishii lasoo dhaafay ee January ayaa waxaa la qabtey doorashada Kursi kamid ah kuraasta banaan, kaasi oo ay leedahay Jufada Cali Madaxweyne, ee Beesha Xawaadle, waxaana ku guuleystay Nuur Iidow Beyle.

Doorashadaasi oo lagu qabtey Jowhar, waxaa u tartamay shan musharax oo ay kamid ahaayeen Taliyihii hore ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Madaxweynihii hore ee HirShabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM