Kursi ka banaanaa Baarlamaanka oo lagu doortay Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Waxaa saaka magaalada Kismaayo lagu doortay Kursi kamid ah Kuraasta ka banaan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kursiga oo lahayd Beesha Hubeer ayaa waxaa ku guuleystay Maxamuud Cabdullaahi Siraaji, oo la dhashay Cabaas Siraaji, Wasiirkii Howlaha Guud oo lagu dilay bishii May, 2017 nawaaxiga Villa Soomaaliya.

Maxamuud ayaa helay 50 cod wareegga kowaad, isagoo ka guuleystay musharax lagu magacaabo Fardowsa Xuseen Maxamed oo heshay hal cod, sida ay ku dhawaaqday Xaliima Yareey, Gudoomiyaha Gudiga Madaxa-banaan ee Doorashada.

Kursiga maanta la doortay ayaa banaanaa tan iyo markii la dilay Cabaas Siraaji sanadkii tagey. Askarigii dilay Cabaas oo dil toogasho ah lagu xukumay ayaan wali lagu fulin xukunkaasi.

Labo Kursi oo kale oo ay ka kala geeriyoodeen Bootaan Ciise Caalin oo deegaan doorashadiisu ay tahay Galmudug iyo Saciid Xasan Geedi, oo isna Deegaan Doorashadiisa ay Somaliland tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM