Taageerada Imaaraadka ee amniga Soomaaliya oo la siyaasadeeyay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Amaanka dowladda Federaalka ee ka howlgala Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa maanta xanibaad kusoo rogay diyaarad u socotey Safaaradda dowladda Imaaradka ay ku leedahay Muqdiaho.

Xayiraadda ayaa abuurtey is-mari-waa dhexmarey Saraakiisha amniga Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle iyo Saraakiisha amniga Imaraadka ee la socday Diyaaradda, kuwaasi oo diiday in la baaro.

Saraakiisha amniga dowladda Soomaaliya ee ku sugan Garoonka diyaaradaha ayaa si hoose Saxaafada Muqdisho ugu sheegey iney qabteen Diyaarad ka ka timid dalka Imaradaka oo sida lacag farabadan.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in Saraakiil ka tirsan dowlada, gaar ahaan kuwooda u qaabilsan Saxafaada ay dad kala shaqeeya baraha bulshada [Social Media] u qaybiyeen xog ah in Garoona Muqdisho lagu qabtey lacag badan oo dowlada Imaaraadka u wadey in loo isticmaalo Khilaafka ka dhex taagan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah Soomaaliya.

Dowlada Imaaraadka oo dhaqaale ahaan tageerta qaybo ka tirsan Ciidamada amniga ka howgala guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa lacagaha mushaharkooda in muddo ah soo marinaysay magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku taallo Safaaradeeda.

Ciidamada uu Imaaraadka dhaqaale ahaan tageero waxaa kamid ah Ciidmada Badda Puntland (PMPF), qayb ka tirsan Ciidamada militariga Soomaaliya, iyo qayb kamid ah Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee [NISA].

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa soo farageliyay Xaaladda, iyagoo markii dambe fasaxay agabka u socday Safaaradda Imaraadka ee Muqdisho.

Safaaradda Imaaraadka wali kama aysan hadlin falkan.

Bishii January ee 2018, Saraakiisha dowladda ayaa qabtey Markab qalab dhismo u waday Safaaradda Imaaraadka xilli uu kusoo xirtay dekedda Muqdisho, kaasi oo markii dambe la fasaxay kadib markii faragelin uu ku sameeyay Ra'iisul Wasaaraha DFS.

Xiriirka diblomaasiysadeed ee dowlada  Imaaraadka Carabta iyo dowlada Federaalka  ayaan wanagsaneyn xilligan kadib markii ay Xukuumadda Federaalka ay dhexdhexaad ka noqtey khilaafka dalalka Khaliijka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM