Laftagareen oo wada abaabulka wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah ‘AS’

Image

XUDUR - Madaxweynaha Dowladda Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Mas’uuliinta soogaroonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweynaha ayaa ka mid ah Wasiiro, Xildhibaano, Mas’uuliinta Maamulka Gobolka Bakool, kan Degmada Xudur, Saraakiisha Hay'addaha Amniga iyo Qeybaha kala Duwan Bulshada.

Wafdiga soo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.uu hogaaminayay Madaxweyne Laftagareen ayaa ka mid ahaa mas’uulin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed,

Socdaalka Madaxweyne Laftagareen ee Magaalada Xudur ayaa ujeedadiisu tahay dardar-gelinta Wajiga 2-aad ee dagaalka dalka looga Saarayo kooxda ‘AS’.

Maamulka KG ayaa ku guda jira diyaar-garowgii ugu dambeeyey ee abaaulka ciidamada deeganada maamulkaas ka saari laheyd kooxda AS, oo haatan gacanta ku haysa deegaano muhiim ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM