Laftagareen oo wada abaabulka wajiga-2aad ee dagaalka ka dhanka ah ‘AS’

Image

DIINSOOR, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Gaashaandhigga Cabdiqaadir Maxamed Nuur, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada KG iyo Mas’uuliyiin kale.

Booqashada madaxweynaha dowlad goboleedka iyo wafdiga la socda ee magaalada ayaa ujeedadeedu tahay sidii loo soo gabagabeyn lahaa shir dib u heshiisiin ah oo dhexmari doona beelaha wada dega magaalada.

Waxaana sidoo kale looga hadli doona sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dadaalada dalka looga saareyokooxaha argagixisada ah ee ku sugan Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM