Laftagareen oo xariga ka jaray mashruuc lagu dhisay isku-tashi

Image
Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa talaabadan wuxuu ku tilmaamay "guul weyn".

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Madaxweyne Cabdiasiis Xasan Maxamed Laftagreen oo ay wehelinayeen Wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka gadiidka iyo duulista Hawada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa xariga ka jarey dhismaha cusub Tariminalka garoonka diyaaradaha ee Magaalada Xudur oo dhismihisa lasoo gabagabeyey.

Dhismaha Tariminalka cusub ee garoonka Xudur ayaa qeyb ka ah qeybta VIP-da oo si qurux badan loo dhisey iyo qeybaha kale ee Tariminalka uu ka kooban yahay.

Waxaana munaasabada kooban oo xariga looga jarayey dhismaha tarminalka ka dhacday gudaha garoonka Diyaaradaha magaalada xudur  ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sanataro, Wasiiro, Lataliyaal, Saraakiisha Ciidamada, Madaxda maamulka Gobalka Bakool, kan degmada Xudur, odoyaasha, haweenka iyo marti sharaf kale .

Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tilmaamay tani "inay qeyb ka tahay dadaalada dowlada ay bixinayso hirgelinta adeegyada ay u baahan yihiin Bulshada".

"Sharaf ayay noo tahay in maanta xariga ka jarno tarminalka cusub ee garoonka diyaarada magaalada xudur, waa wax aad u weyn oo wax qabad leh in isku tashi lagu dhiso tarminaalkan oo baahi weyn ay uqabeen bulshada, bulshada wax kasta ay rabaan ee la qaban karo waa qabaneynaa, tanna waa mid ka mid ah guulaha Dowlada iyo shacabka qabteen, Gudiga isxilqaan, Maamulka Gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo shacabka wey ku mahadsanyihiin isxilqaanka ay sameeyeen.

Laftagareen ayaa ku amaaney dhamaan madaxda maamul ka Gobalka Bakool, kan degmada Xudur iyo dhamaan bulshada doorka ay ka qaateen  iyo sida shacabka Bakool u garab taagan yihiin Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed .

Dhisamaha garoonka ayaa Waxaa si wada jir ah uga qeyb qaatey Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, Qaar ka mid ah Jaaliyadaha Gobalka Bakool kasoo jeeda iyo Bulshada Magaalada Xudur.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM