Lix Sano ka dib qaraxii Soobe.. sidee waaye xaalka Reer Muqdisho?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa gilgilay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan.

Maalintaas waxay saameyn ku yeelatay dhamaan shacaba ku nool caasimadda, iyadoo qoysas badan ay waayeen eheladooda, boqollaal carruur ahna ay agoon noqday.

Sannad kasta Soomaalidu way xustaa maalintan oo muujinaysay wajiyadii ugu foosha xumaa ee xag-jirnimada diineed, waxayna ahayd marxalad muhiim ah oo kooxda argagixisada ah ee ‘AS’ ay ku noqotay cadawga ummadda Soomaaliyeed.

Ilaa iyo hadda waxaa socda howlaha dhismaha ee dib loogu dayactirayo dhismayaashii ku burburay qaraxa, inkastoo ay ka soo wareegatay muddo lix sano ah dhacdadaani ay ku burbureen ilihii dhaqaale ee isku maareyn jireen qoysas badan oo dan yar ah..

Mas’uuliyiin badan ayaa maanta isugu soo baxay taallada 14-ka October oo la dhigay Isgoyska Soobe, si loo sharfo dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay Isgoyska, waxaana sidoo kale ka dhacay bannaanbaxyo ay dad badan ku muujinayaan sida ay murugadu ula qeybsanayaan dadkii ku dhintay qaraxa & kuwa la la’yahay.

“Gurigaaga ayaad ku dhiman kartaa, Bakhaarkaaga ayaad ku dhiman kartaa, Geerina ma xaq, Cadawguna yaanu cabsi nagu ridin.” Waa erayadii uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Jimcaale Madaale ka jeediyay xuska sanadguuradii lixaad ee qaraxii Soobe.

Iyada oo ay si isdaba joog ah u soo badanayaan qaraxyada argagixisanimada ah ee ka dhacaya caasimadda Muqdisho, ayaa shacabka ku dhaqan magaalada waxay ku dhegganyihiin rajada ah inay gaari doonaan nolol raaxo leh oo ka fog dhawaqa rasaasta iyo jugta qaraxyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM