Ma’uuliin xilal ka hayay maamulka gobolka Banaadir oo argagaxisnimo lagu haysto

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta u fariisatay dacwad lagu soo oogay 11 mas’uul oo ka tirsan maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Kooxdan oo ka kooban siddeed rag ah iyo saddex dumar ah ayaa lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen Al-shabaab, isla markaana ay si hoose uga howlgalayeen deegaanno dhowr ah oo ku dhow magaalada Muqdisho.

Cabdiraxiin Maxamed Cismaan Jimcaale (Macruuf) ayaa la sheegay inuu ahaa diiwaan haya kooxda, waxaana sanadkan laga soo dexh qabtay suuqa Bakaaro ee magaalada Muqdisho.

Mid kamid ah Eedeysanayaasha oo lagu magacaabo Ayaanle Maxamed Cali oo ka tirsan Saraakiisha Boliska ayaa baxsaday, halka qareenada difaacayay Eedeysanayaasha ay ku doodeen in la waayay cadeymo iyo marqaatiyaal ku filan.

Maxkamadda oo uu guddoomiye u yahay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa dhawaan ku dhawaaqi doonta xukunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM