Maalinta Shaqaalaha Aduunka oo si weyn looga xusay Soomaaliya iyo Caalamkaba

Image
Shaqaalaha hay’adaha dowladda ayaa la fasaxay maalintan.

Muqdisho, Soomaaliya - Maanta oo ah 1-da bisha May waa maalinta shaqaalaha aduunka, waxaana loo arkaa maalin fasax ah, iyadoo dhamaan shaqaalaha hay’adaha dowladda ay fasax ku maqanyihiin.

1-da May ayaa loo doortay in lagu xasuusto shaqaalihii iyo hoggaamiyeyaashii ee dhintay, iyaga oo ku baaqaya in saacadaha shaqada lagu ekeeyo 8 saacadood maalintii lana hagaajiyo duruufaha ay ku shaqeeyaan.

Asalka maalintan ayaa loo aaneynayaa shaqo joojintii weynaa ee ka dhacday magaalada Chicago ee dalka Mareykanka sanadkii 1886-kii, iyadoo Mareykanka iyo wadamo badan oo Yurub ka tirsan ay xilligaasi hantiwadaaga uga gudbaayeen “imperialism”.

Hanti-wadaagayaashu waxay sii kordhiyeen waqtiga shaqada, iyo xooggeeda si ay si degdeg ah u kiciso horumarka dhaqaalaha, waxayna si naxariis darro ah uga faa'iideysteen shaqaaluhu 14 ilaa 16 saacadood maalintii iyaga oo siinaya mushahar yar.

Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay dalalka caalamka ee maanta u dabbaaldegaya xuska sanadguurada ka soo wareegatay aasaaskii ururka shaqaalaha dunida iyo aasaaska ururka shaqaalaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa dhankiisa ka mid ahaa hogaamiyeyaasha hambalyo ku aaddan maalinta Shaqaalaha Adduunka u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku bogaadiyey Shaqaalaha Soomaaliyeed maskaxda iyo muruqa ay geliyeen horumarinta dalkeenna, ayaa xusay doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan sidii dalkeennu uga soo kaban lahaa dib-u-dhicii gaaray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo War Cusub kasoo Saartay Kiiska Sacdiya Bajaaj ee Muqdisho Lagu Xiray

Dhanka kale, hay’adda Amnesty International ayaa hore ugu baaqday dowladda Soomaaliya in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Sacdiya.

  • Soomaliya

    07-05-2026

  • 08:13PM

Beesha Caalamka oo ka Dooday Cunaqabatayn iyo Isbeddel Siyaasadeed iyadoo Xiisadda Soomaaliya Sii Kordhayso

Qodobada miiska saarnaa ayaa waxaa ka mid ahaa suurtagalnimada in la tixgeliyo siyaasadda World Bank ee loo yaqaan OP 7.30.

  • Soomaliya

    07-05-2026

  • 11:27AM