Maamulka Banaadir oo albaabada u xiray shirkado lacaga been abuur ah ka qaadayay Bajaajleyda

Image
Maamulka Banaadir ayaa sheegay inaan gaadiidka Bajaajta ah laga qaadi karin Lacag dhaafsiisan waxii sharciga ahaa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka Gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay shirkado lacaga been abuur ah ka qaadayay Bajaajleyda ka howl gasha Muqdisho, waxaayna sheegeen in sharciga lala tiigsan doono kuwa gacanta lagu soo dhigay iyo cidkasta oo ku howlan dhibaateynta bulshada.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xassan Cumar ayaa yiri, “Maamulka gobolka Banaadir waxa uu caddeynayaa in wax shaqo ah ku lahayn lacagtaas laga qaadayay bajaajta ka howlgala gobolka”.

Maamulka ayaa albaabada u xiray shirkadahii $27 ka qaadanayay Bajaajleyda, oo ay ka mid yihiin xarumaha kala ah Balqiis, Daacad & kuwo kale oo badan oo habkan u shaqeysan jirey.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay inaan gaadiidka Bajaajta ah laga qaadi karin Lacag dhaafsiisan waxii sharciga ahaa ee ku waajibay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM