Maamulka Koonfur Galbeed oo wadahadal la furi doonta Bakoole sare

Image

07 January, 2016(GO)-Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa shaacisay inay wadahadal la furi doonta dadka kasoo jeeda deegaanada looga dhawaaqay maamulka loogu magacdaray Bakool Sare.

Wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Koofur Galbeed Maxamed Cumar Saytuun oo waraysi siiyay Radio Garowe ayaa tilmaamay in arrintaasi katimi Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan xalna u arkeen.

Wuxuu sheegay wasiir Saytuun dadka kasoo jeeda deeganada maamulka laga dhisay inay diyaar u yihiin wadahadal laga yeesho arrimaha la isku khilaafay, wuxuuna tilmaamay in Madaxweynaha loo doortay Bakool Sare kamid ahaa xukuumadda Baydhabo.

Hadalka kasoo yeeray Koonfur Galbeed Somalia kama aysan hadlin maamulka Bakool Sare oo horey u xaqiijiyay inuu dhammaaday waqtigii wadahadalka, balse haatan gaareen xilligii aayahooda katashan lahaayeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM