Maamullada oo dood ka keenay qaabka loo qeybiyay Mashaariicda Qadar

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda maamul goboleedyada ayaa dood ka keenay qaabka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u qeybisay mashaariicda horumarineed ee Qadar ka fulinayso dalka.

Kadib shirkii Arrimaha Amniga Qaranka, Kulamo looga hadlay mashaariicda Qadar ayaa hogaamiyaasha maamullada kula leh magaalada Muqdisho Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Khayre.

Dooda waxay ka taagan tahay sida ay dowladda u qeybisay mashaariicda horumarineed ee dowladda Qadar, kuwaasi oo ku kacaya qiimo lacageed oo gaaraya $200,000,000 [Labo Boqol Milyan oo Doolar].

Wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa 28-kii bishii lasoo dhaafay ku saxiixay Muqdisho heshiis lagu fulinayo mashaariicdan Agaasiimaha Sunduuqa horumarinta dalkaasi ee QDF Khalifa Bin Jassem Al-Kuwari. Halkan ka akhri.

Hay'ad waxbarasho oo ay leedahay Qadar iyo Sunduuqa horumarinta dalkaasi ee QDF ayaa ka fulinaya Soomaaliya mashruuca Dhisamaha Wadooyinka, shaqo abuur iyo waxbarasho, kuwaasi oo lagu soo koobay Muqdisho iyo magaalooyin ku dhaw.

Wasiirka qorsheynta ayaa shaaciyay in Qadar ay dhisayso Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo 30Km ah iyo mida Jowhar, oo 90Km ah iyo xaruumo dowladeed oo ku yaalla magaalada Caasimadda.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa dood ka keenay in mashaariicdan lagu soo koobo gobolka Banaadir iyo nawaaxigiisa, waxayna ka dalbadeen dowladda Federaalka inay si siman loo qeybiyo, iyadoo la raacayo heshiiskii ay horey u galeen ee qeybsiga deeqaha caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM