Maamullada oo dood ka keenay qaabka loo qeybiyay Mashaariicda Qadar

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda maamul goboleedyada ayaa dood ka keenay qaabka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u qeybisay mashaariicda horumarineed ee Qadar ka fulinayso dalka.

Kadib shirkii Arrimaha Amniga Qaranka, Kulamo looga hadlay mashaariicda Qadar ayaa hogaamiyaasha maamullada kula leh magaalada Muqdisho Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Khayre.

Dooda waxay ka taagan tahay sida ay dowladda u qeybisay mashaariicda horumarineed ee dowladda Qadar, kuwaasi oo ku kacaya qiimo lacageed oo gaaraya $200,000,000 [Labo Boqol Milyan oo Doolar].

Wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa 28-kii bishii lasoo dhaafay ku saxiixay Muqdisho heshiis lagu fulinayo mashaariicdan Agaasiimaha Sunduuqa horumarinta dalkaasi ee QDF Khalifa Bin Jassem Al-Kuwari. Halkan ka akhri.

Hay'ad waxbarasho oo ay leedahay Qadar iyo Sunduuqa horumarinta dalkaasi ee QDF ayaa ka fulinaya Soomaaliya mashruuca Dhisamaha Wadooyinka, shaqo abuur iyo waxbarasho, kuwaasi oo lagu soo koobay Muqdisho iyo magaalooyin ku dhaw.

Wasiirka qorsheynta ayaa shaaciyay in Qadar ay dhisayso Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo 30Km ah iyo mida Jowhar, oo 90Km ah iyo xaruumo dowladeed oo ku yaalla magaalada Caasimadda.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa dood ka keenay in mashaariicdan lagu soo koobo gobolka Banaadir iyo nawaaxigiisa, waxayna ka dalbadeen dowladda Federaalka inay si siman loo qeybiyo, iyadoo la raacayo heshiiskii ay horey u galeen ee qeybsiga deeqaha caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM