Maareeyaha Hay'adda Duulista Somaliland oo eedeymo culus u jeediyay dowladda Soomaaliya

Image
Maareeyaha ayaa ku eedeeyay dowladda in ay siyaasadeysay duulimaadyadii rayidka ahaa

Hargeysa, Soomaaliya - Maareeyaha Hay'adda Duulista Somaliland Cumar Sayid Cabdillaahi oo shir-jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay si qaldan uga faa'iidaysatay gacan ku haynta maamulka hawada.

Maareeyaha ayaa intaas ku daray in dowlada Soomaaliya ay ka baxday heshiisyadii ay la geshay Somaliland, oo ku aadanaa in si wadajir ah ay labada dhinac u maamulaan hawada sare.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay isku soo koobtay maamulka hawada Sare tan iyo 2018kii, isla markaana sheegay in ay lunsatay lacag dhan 60 Milyan.

Wuxuu ku eedeeyay dowladda in ay siyaasadeysay duulimaadyadii rayidka ahaa, isaga oo sheegay in maanta ka dib aanay aqbali doonin wuxuu ku tilmaamay ku takrifalka awoodeed ee Muqdisho.

Hadalka Maareeyaha ayaa imaanaya xilli Dowlada Soomaaliya ay hawada Somaliland ka celisay 2 diyaaradood, iyada oo ay jiraan kuwoo kale oo ay beenisay Muqdisho inay celisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM