Macalin Jaamacadeed oo lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley hubaysan ayaa xalay magaalada Muqdisho ku dishay mid kamid ah macalimiinta wax ka dhiga Jaamacadaha ku yaalla Caasimadda, kaasi oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Xaaji Caddow.

Goobjooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in labo nin oo bastoolado ku hubaysan ay Macalinka ku toogteen xalay fiidii abaare 7:40pm banaanka Garaash ku yaalla degmada Deyniile.

Macalinka ayaa rasaasta lagu riday ka haleeshay dhanka madaxa, taasina oo soo dedejisay in uu isla meesha markiiba ku naf-baxo, iyadoo meydkiisa halkaasi ay ka qaadeen dad isaga aqoon u lahaa.

Marxuumka ayaa la beegsaday xilli uu Gaarigiisa soo dhigtay Garaasha, oo kusii jeeday Hoygiisa, waxaana goobta durbadiiba gaarey Ciidanka dowlada, oo sameeyay baaritaan aan cidna lagu soo qaban.

Kooxda dilka geystay ayaa jidka u galay Macalin, oo horey ugu raadjoogey, sida ay sheegeen qaar kamid ah ihelkiisa, waxaana la ogeyn sababta loo beegsaday maadaama uu ahaa Barafasoor Jaamacadeed.

Dilkan ayaa kusoo beegmaya xilli Habeen hore Ra'iisul Wasaare Khayre oo ka kulmay Taliye-yaal Ciidan uu ku baaqay in la xoojiyo amaanka Caasimadda. Halkan hoose ka Daawo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo Meel-mariyey Wax-ka-beddelka Dastuurka xilli ay jirto Diidamo xooggan

Diidmadan ka timid Gollaa Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa kusoo aadaysa xilli ay socdaan baaqyo ku aaddan in la ilaaliyo midnimada.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 01:57PM

Mas’uuliyiin iyo Xildhibaanno lagu jirdilay, laguna afduubey Muqdisho 

Puntland waxay dusha u saartay mas'uuliyadda wixii dhibaato ah ee ka dhasha falkaas Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 10:50AM