Macallin dugsi Qur’aan oo afduub iyo dil loogu gaystay gobolka Hiiraan

Image
Macalinka ayaa dhowr jeer diiday inuu bixiyo lacago baad ah oo ay dalbadeen kooxda AS.

Shaw, Soomaaliya - Warar ka soo baxaya deegaanka Shaw ee Gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyay in kooxda Al-Shabaab ay dileen Macalin dugsi Qur’aan, ka dib markii uu diiday in uu lacag baad ah siiyo kooxda.

AS ayaa maalmo ka hor ka afduubtay Macallin Cabdiqaadir Xasan Ilkacase oo ku sugnaa deegaanka Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaasoo uu ku lahaa dugsi lagu barto Qur'aanka Kariimka.

Ka dib waxay ku wareejiyeen deegaanka Shaw, oo ah deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan oo ay gacanta ku hayaan kooxda.

Macalinka ayaa dhowr jeer diiday inuu bixiyo lacago baad ah oo ay dalbadeen kooxda, iyaga oo ku amray inuu yimaado deegaanada ay weli ku sugan yihiin.

Sidoo kale, Macallinka ayaa ka dhago adeygay amarka kooxda, taasoo keentay in ay qafaashaan kadibna dilaan, sida ay wariyeen ehellada macallinka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM