Madaafiic ku dhacday nawaaxiga Villa Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan hal ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyooday, qaar kalena way ku dhaawacmay weerar hoobiye oo ka dhacay maanta magaalada Muddisho.

Goob-joogiyaal ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in saddex hoobiye ay ku dhacday nawaaxiga Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, halkaasi oo ay degan yihiin Madaxda ugu sareysa dalka, sida Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Gollaha Shacabka.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, iyadoo intaasi ku dartay in 5 hoobiye ay ku dhaceen gudaha Qasriga Madaxtooyadda, balse ma aysan sheegin khasaaraha ka dhashay.

Qaraxyada madaafiicda ayaa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho. Xaafaddo dad shacab ah ay ku nool yihiin oo ku dhaw Madaxtooyada ayay ku dhaceen hoobiyaasha.

Gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa goobta kasoo qaadey dhowr qof oo soo gaarey dhaawacyo, waxaana la dhigay Isbitaal, sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska degmada Wardhigleey, oo ah halka ay Villa Soomaaliya ku taallo.

Dowladda Federaalka, gaar ahaan Madaxda xarunta Madaxtooyada kama aysan hadlin Hoobiyaasha maanta oo laga soo tuurey isla gudaha magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM