Madaafiic ku dhacday nawaaxiga Villa Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan hal ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyooday, qaar kalena way ku dhaawacmay weerar hoobiye oo ka dhacay maanta magaalada Muddisho.

Goob-joogiyaal ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in saddex hoobiye ay ku dhacday nawaaxiga Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, halkaasi oo ay degan yihiin Madaxda ugu sareysa dalka, sida Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Gollaha Shacabka.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, iyadoo intaasi ku dartay in 5 hoobiye ay ku dhaceen gudaha Qasriga Madaxtooyadda, balse ma aysan sheegin khasaaraha ka dhashay.

Qaraxyada madaafiicda ayaa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho. Xaafaddo dad shacab ah ay ku nool yihiin oo ku dhaw Madaxtooyada ayay ku dhaceen hoobiyaasha.

Gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa goobta kasoo qaadey dhowr qof oo soo gaarey dhaawacyo, waxaana la dhigay Isbitaal, sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska degmada Wardhigleey, oo ah halka ay Villa Soomaaliya ku taallo.

Dowladda Federaalka, gaar ahaan Madaxda xarunta Madaxtooyada kama aysan hadlin Hoobiyaasha maanta oo laga soo tuurey isla gudaha magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

STC oo Ballaarisay Gacanta ay ku Hayso Koonfurta Yemen

Toddobaadkii la soo dhaafay, STC waxay billowday hawlgal milatari ay ugu….

  • Soomaliya

    12-12-2025

  • 09:07AM

Soomaaliya oo la sheegay in la dhex-marsiiyo hub loo gudbiyo Xuutiyiinta Yemen

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib shir heer sare ah oo Qaahira ku dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

  • Soomaliya

    11-12-2025

  • 01:50PM