Madaafiic ku dhacday nawaaxiga Madaxtooyadda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Tiro madaafiic ah ayaa maanta duhurkii ku dhacay nawaaxiga xarunt Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Goobjooge ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in hoobiyaal gaaraya ilaa 3 ay ku dhaceen xaafadaha Caga-dhiig iyo 15-ka May, oo kaabiga ku haya qasriga Villa Soomaaliya.

Wali ma jirto wax khasaaro ah oo la xaqiijiyay oo dadka shacabka ah kasoo gaaraya duqeynta hoobiyaasha ah.

Ciidamo ka tirsan Hay’addaha ammaanka dalka ayaa tagey goobaha la duqeeyay, waxaana ay kasoo qaadeen hoobiyaal aan qarxin. 

Lama oga illaa hadda halka laga soo tuuray iyo cida soo tuurtay hoobiyaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM