Madasha Xisbiyada Qaran oo shaacisay mowqifkeeda shirka Jabuuti

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madasha Xisbiyadda Qaran ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku caddeysay mowqifkeeda ku aadan wada-xaajoodyadda Jabuuti uga furmay dowladda federaalka iyo Somaliland.

Sidda ay sheegeenin ay soo dhawenayeen, haddana waxay soo jeediyeen "in la ballaariyo oo talada laga qayb galiyo daneeyeyaasha siyaasadda, Xisbiyada iyo ururrada bulshada".

"Madashu waxay walaac ka muujineysaa wadahadalladan lagu soo aaddiyay waqti uu gabaabsi yahay muddo xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee dawladda Federaalka Soomaaliya, waxayna ka digeysaa in loo isticmaalo dano siyaasadeed iyo olole doorasho," ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka akhriso bayaanka

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ku soo koobtay 5 qodob mowqifkeeda ku aaddan shirkii Djibouti ee wada xaajoodka dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Madasha Xisbiyada Qaran waxay ugu horreyn si guud u soo dhaweysay in dib loo billaabo wada xaajoodka lala galayo Somaliland oo hakad ku jiray seddexdii sano iyo barkii uu talada dalka haayay Madaxweyne Farmaajo.

MXQ waxay soo jeedisay in wada xaajoodka la ballaariyo oo talada laga qayb galiyo daneeyeyaasha siyaasadda, Xisbiyada iyo ururrada bulshada.

"Madashu waxay walaac ka muujineysaa wadahadalladan lagu soo aaddiyay waqti uu gabaabsi yahay muddo xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee dawladda Federaalka
Soomaaliya, waxayna ka digeysaa in loo isticmaalo dano siyaasadeed iyo olole doorasho," ayaa lagu yiri qoraalka Madasha Xisbiyada Qaran.

Gunaanadka Madasha Xisbiyada Qaran waxay ku talisay in wixii hadda ka dambeeya guddiyada farsamada ee loo xil saaray wada xaajoodka labada dhinac horey u sii diyaariyaan ajendeyaasha la doonayo in hoggaamiyeyaasha iska arkaan.

BAYAANKA OO WARQAD AH


Wadahadaladda Jabuuti waxaa soo qaban-qaabiyey ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, halka Mareykanka uu ka ahaa korjoogto, iyaddoo ay martigelisay Jabuuti uuna shir gudoomiyey madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM