Madasha Xisbiyadda Qaran oo ka hadlay xadgudubka Itoobiya ee Gedo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin illaa iyo lix xisbi ayaa cambaareeyey xadgudubka ciidamadda Itoobiya kawadaan gobolka Gedo.

Dowladda Federaalka ah ayaa waxay ku dhaliileen in ay ka aamusan tahay falalkaas oo ay ku qeexeen kuwa meel ka dhac ku ah madax banaanida iyo sharafta qaranka Soomaaliya.

Askarta Itoobiyaanka ah oo fulinaya ajendaha Villa Soomaaliya ayaa degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beledxaawo kawada olale maamul ka madax banaan Jubaland lagu aas-aasayo.

Maamulka Kismaayo oo ka digay arrintaas ayaa wuxuu cod dheer ku dalbaday in ciidankaas laga saaro gobolka maadaama aysan ka tirsaneyn badankooda howlgalka AMISOM.

Jubbaland iyo dowladda Muqdisho ayaa xiriirkooda uusan wanaagsaneyn tan iyo wixii ka dambeeyay doorashadii uu kusoo baxay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Axmed Madoobe ayaa wuxuu kusoo baxay doorasho xor oo xalaal ah, waxaana madaxda dowladda federaalka lagu dhaliilay in ay isku dayeen farogelin ay ku guuldareysteen.

Beesha Caalamka oo isha ku haysa arrimaha Jubbaland ayaa isku dayday in ay wada hadal siiso labadda dhinac si khilaafka jira uusan u saameyn doorashadda sanadka 2020-21.

WAR-SAXAAFADEEDKA MADASHA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM