Madasha Xisbiyadda Qaran oo lacag ku tabarucay fatahaadaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa ku dhawaaqay in ay gurmadka fatahaadaha ugu tabaruceen laba kun oo Doollar-ka Mareykanka ah.

Mas'uuliyiinta xisbiyadda ayaa tilmaamay in deeqdaan ay ugu talogaleen dadka ay daadadku saameeyeen ee ku nool goboladda qaar ee wadanka.

Meelaha aadka ay u saameeyeen fatahaadaha Webiyadda ayaa kala ah; Beledwayne, Bardaale iyo qaybo kamid ah Jubbooyinka.

Sidda laga soo xigtay dhowr illo wareedyo, xubnaha Madasha Xisbiyadda ayaa isku qeybinaya laba koox oo deeqda gaarsiin doona dhibaneyaasha.

Fatahaadaha ayaa yimid markii ay qararka jabsadeen Webiyadda Shabeelle iyo Jubba ee ka yimaadda waddanka Itoobiya.

Dowladda Federaalka ayaa shaacisay in ku dhowaad 60-kun oo ruux ay ku barakaceen daadka oo khasaaro naf iyo maal sababay.

Tobanaan ay ku jiraan mas'uuliyiin una badan rayid ayaa ku nafwaayey daadadka Beledwayne oo wali uu si teel-teel ah uga da'ayo roobabka.

Xukuumadda ayaa qalyo dhaan u dirtay Beesha Caalamka si ay maalgelin ugu sameeyaan xalka waara ee fatahaadaha soo laab-laabtey.

Madaxweyne Farmaajo oo tegay Beledwayne ayaa ka dhawaajiyey in ay Itoobiya la galayaan wada hadal ku saabsan sidii looga baaqsan lahaa fatahaadyo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gudoomiyah Baydhabo oo lagu soo rogay Xabsi Guri xili xiisad ka jirto Koonfur Galbeed

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dowladda faahfaahin dheeraad ah ka bixiso xaaladda sharciga ah ee guddoomiye Watiin.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 01:27PM

Duqeyn Sirdoon Oo Lagu Beegsaday Shir Al-Shabaab lahayd; 33 Lagu Dilay

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gaari nooca pick-up ah oo lagu rakibay qori culus.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 08:37AM