Madasha Xisbiyadda: Waa in baaritaan sax ah lagu sameeyo dilka Almaas

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Xisbiyadda Qaran ee Soomaaliya ayaa si tiiraanyo leh waxay kaga tacsiyeysay geerida naxdinta leh ee ku timid Almaas Elman oo u dhimatay xabad "si kadis ah ugu dhacday".

Marxuumadda ayaa galab-nimadii Arbacada lagu toogtay gudaha Xalane, xarunta ugu weyn ee safaaradaha caalamka ee Soomaaliya.

Fahfaahino kooban oo laga helay dhacdada ayaa ku warameysa in ay ku nacday xabad aan illaa iyo haatan la ogayn halkay ka timid.

Axmed Macalin Fiqi, oo ah xoghayaha guud ee Madasha, ayaa codsaday in baaritaanka toogashadda Almaas uusan lamid noqon kii gobolka Banaadir.

Xalane ayaa lagu sheegaa mid kamid ah meelaha ugu ammaanka wanaagsan gudaha Muqdisho, balse dilkaan wuxuu dhaliyey shaki aad u weyn.

Inta la og-yahay waa markii ugu horeysay in dhimasho noocaan ah laga soo wariyo goobtaas marka laga reebo weerar ama hoobiye.

"Waxay madashu dalbaneysaa in baaritaan sax ah oo aan ahayn kii Guddi baa loo saarey oo aan ahayn kii u dambeeyay ee gobolka Banaadir," ayuu Fiqi yiri.

Ismiidaamintii gobolka oo uu ku dhintay duqii caasimadda ayay dowladdu shaacisay in ay ka dambeysay haweenay camoole ah. Al-Shabaab ayaana sheegatay.

"Baaritaan umadda ku qanci karto la sameeyo, sababta ay u dhimateyna Umadda loo caddeeyo meeshaas oo aan ognahay in ay tahay meeshii u dambeysay, meel nabadgalyo lagu helaayo ma jirto weye, marka".

Fiqi, oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa wuxuu hadalkan ka sheegay shir jaraa'id oo ka qabsoomay magaaladda caasimadda ah.

Almaas Elman oo qeybta warbaahinta u qaabilsaneyd ururka Midowga Yurub ayaa Muqdisho u timid ka qeybgalka shir looga hadlaayay horumarinta degaanada miyiga oo EU-da ku qabatay magaala madaxda waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM