Madaweynaha oo sheegay xilliga Soomaaliya laga qaadi doono Cunaqabateynta Hubka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay hiigsiyada qaran ee ay dadaalka ku bixisay dowladdu.

hiigsiyadaas ayaa ka mid ah cafinta deynta lagu leeyahay Soomaaliya, qaadista cunaqabateynta hubka, aqbalaadda codsiga Soomaaliya ee ka mid noqoshada urur goboleedka dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika iyo xoreynta deegannada gacanta ugu jira ‘AS’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sannadkan gudihiisa laga guul gaarayo arrimaha la xiriira dibadda iyo beesha caalamka, isaga oo sheegay:

"Asbuuca ugu horreeya bisha December Cunaqabateynta Hubka ayaa nalaga qaadaa, 13 December sidoo kale deynta ayaa nalaga cafinaa, guulo waaweyn ayaa soo socda".

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay sida ay uga go’an tahay in kor loo qaado nolasha dadka Soomaaliyeed, cirib-tirka saboolnimada iyo daminta colaadaha sokeeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM