Madax ka tacsiyeysay geerida xoghayihii guddiga maaliyada BF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Allah ha u naxariistee, Marxuum Aadan Cali Xasan oo xalay ku dhintay Muqdisho.

Farmaajo ayaa tilmaamay in Marxuumka oo ka tirsanaa Barlamaanka Federaalka Soomaaliya uu door wanaagsan ka qaatay dib u habeynta hannaanka dhaqaalaha dalka, muddadii uu ahaa Xoghayaha Guddiga Maaliyadda Ee Golaha Shacabka, islamarkaasna uu ugu shaqeeyey dalkeenna iyo shacabka Soomaaliyeed hufnaan, wadaniyad iyo daacadnimo.

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa aan idinla wadaagayaa tacsidan tiiraanyada leh. Marxuum Xildhibaan Aadan Cali Xasan waxaa lagu xusuusan doonaa doowrkii wanaagsanaa ee uu ka qaatay dowladnimada, horumarka dalka iyo sida hufanaanta leh ee uu ugu adeegay shacabkiisa.”

Marxuumka ayuu Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Dhanka kale, Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya, ayaa murugada la wadaagay qoyska marxuumka.

"Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh ugu soo gudbinayaa eheladii, qaraabadii iyo baarlammaanka Fedraalka ee Soomaaliya Allaha u naxariistee Marxuum Adan Cali Xasan oo xubin muhiim ah ka ahaa Golaha Shacabka ee baarlammaanka. Marxuumka Allaha u naxariisto, dhammaanteenne sammir iyo iimaan Allaha innaga siiyo," ayuu kusoo qoray bartiisa Facebook.

Dhinaciisa, ra'iisul wasaaraha xafiiska jooga ee Xasan Cali Khayre, ayaa ehelka marxuumka u rajeeyay in uu ALLE samir iyo iimaan ka siiyo.

"Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo ehelkii uu ka baxay xildhibaan Aadan Xasan Cali (Jamhuuriya). Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, eheladiisana samir iyo iimaan ka siiyo," ayuu soo dhigay barahiisa gaarka ah ee bulshadda.

Geesta kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, ayaa naxariista EBBE u rajeeyay marxuumka.

"Waxaan tacsi u dirayaa eheladii iyo asxaabtii ay ka baxeen Allaha u naxariistee Xildhibaan Aadan Cali Jamhuuriya, Xildhibaan hore Maxamuud Barre Xasan, Saxafi ahna qoraa sare Saciid C/salaan Ismaaciil iyo Xaashi Cabdi Bare oo ahaa sarkaal sare oo mudo ka tirsanaa shaqaalaha rayadka ee dawladihii Soomaaliya soo maray," ayuu kusoo qoray Facebook-ga.

Aadan Cali Xasan oo loo garan og-yahay Aadan Jamhuuriya ayaa ahaa xoghayaha guddiga maaliyadda golaha shacabka baarlamaanka federaalka ah. Ma cadda sababta keentay geeridiisa, balse waxaa la sheegay in uu la ildarnaa cudurka Sonkorta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM