Madaxda DF iyo maamuladda oo loo diray baaq la xiriira Covid-19

Image

NEW YORK, US – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamuladda xubinta ka ah federaalka in ay iska kaashadaan la dagaalanka Covid-19.

Sidda ku xusan khudbad la filayo in uu Guterres u jeediyo Golaha Ammaanka taasoo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online, wuxuu ka codsaday dhinacyadda in ay dhinaca isaga leexiyaan kala aragti duwanaanta.

Coronavirus ayuu carabka ku adkeeyay in uu u saameeyay dadka Soomaaliyeed si lamid ah bulshadda kale ee ku nool daafaha caalamka.

Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayuu ka dhawaajiyey in ay ku caawineyso xukuumadda federaalka siddii loosoo afjari lahaa cudurka.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu bogaadiyey talaabooyinka illaa iyo haatan ay qaadeen Madaxda dowladda iyo maamul goboleedyadda.

"Faafitaanka musiibada waxay toosha ku ifineysaa baahi ka badan intii horey u jirtay oo ku saabsan in ay isku yimaadaan hogaamiyeyaasha federaalka iyo maamuladda ayna muujiyaan midnimo, tanaasul, iyagoo si wax ku ool ah u wajahaya mid kamid ah caqabadihii ugu waynaa waqtigeena soo wajahay caalamka," ayaa ku qoran hadal-jeedinta Antonio Guterres

Soomaaliya ayaa laga xaqiijiyey ku dhowaad 1,500 xaaladood oo ah Covid-19. Intaas waxaa wehlisa 57 dhimasho ah iyo dad ku dhow 200 oo ka bogsaday. Bukaanada waxaa kamid ah ajaaniib u shaqeysa UN-ka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in ay si gaabis ah u waddo howlaha baaritaanka, wallow ay ku doodeyso in aysan haysan agab ku filan. Intaas waxaa wehlisa, eedeyn ku aadan in la mashruuceeyay la tacaalida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM