Madaxda dowlad goboleedyadda oo ku wajahan Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweyniyaasha dowlad goboleedyada dalka ayaa ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Hogaamiyaasha Puntland, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo HirShabeelle ayaa ka qeybgalaya munaasabad ballaaran oo ay ku midoobayaan Ahlu Sunna iyo Galmudug oo ka dhacaysa magaalada.

Safarka Madaxweynaha Puntland ee Gobolada dhexe ayaa ku soo beegmeay xilli xaalad dagaal ka jirta Tuulada Tukaraq halkaas oo ciidamada Somaliland la wareegeen maalmo ka hor.

Sidoo kale, waxaa ku sugan Dhuusamareeb Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed iyo wafdi ka socda dowladda Federaalka oo ka kooban labada Golle, Xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu maanta gaaro magaalada, isagoo hadda ku sugan magaalada Cadaado oo xalay uu tagey, halkaasi oo kulamo kula yeeshay Odayaal iyo mas'uuliyiin.

Ahlu Sunna iyo Galmudug ayaa bishii December, 2017 ku saxiixday Muqdisho heshiis awood-qeybsi ah, kaasi oo hogaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir loogu magacaabay Madaxa Gollaha wasiirada Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa la filayaa in loo soo raro maamulka Galmudug oo tan iyo markii la aas-aasey 2014 ku shaqeynayay magaalada Cadaado, maadaama uu khilaaf kala dhaxeeyay Ahlu Sunna.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM