Madaxda Federaalka oo la kulantey guddiga dhisaya maamulka gobolada dhexe

Image

Sabti, September 06,2014 [GO]- Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha dowlada Federaalka ayaa aqalka madaxtooyada kula kulmey gudiga maamul u samaynta gobalada loogu magac darey Mudug iyo Galgaduud. 

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed oo ka hadlay kulankaan ugu horayn ayaa sheegay in Xukuumadda si dhow ula shaqeyn doonto gudigaas, isla markaana ka rajeyneyso in ay soo dhisaan maamulka gobolada dhexe mudo 45-ka casho gudahood.

“Howl badan baa idiin taala, waxaana idin sugaya shacabka dagan gobalada dhexe in aad maamul u samaysaan anaguna waan idinku taageeraynaa.”sidaasi waxaa yiri Ra'isal wasaare Cabdiwali.

Madaxweynaha DF Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa gudigaan kula dar daarmay inay si deg deg ah howshooda u bilaabaan iyo in si cadaalad ah oo aysan cidna u eexan ay kaga shaqeeyaan waxay ku jirto danta dadka gobalada dhexe ku nool.

Xasan Sheekh ayaa sheegay dadka degan gobalada dhexe inay ka qaybqaateen la dagaalanka Al-Shabaab oo deegaano badan oo ku yaala gobaladaasi ay haatan xor ka yihiin kooxdaas ka soo horjeeda nabada Soomaaliya.

27-Xubnood ayay ka koobanyihiin gudigaan farsamada ee ka shaqayn doono maamul u samaynta goboladaas kuwaasi oo laga soo xulay beelaha daga Mudug iyo Galgaduud. 

Heshiiska lagu go'aansadey maamul u sameynta goboladaan ayaa waxaa uu dhaliyey muran xoogan oo sababey in dowlada Puntland ka biyo diido. 

Hadaba Dastuurka dowlada Federaalka ayaa waxaa ku qoran qodob sheegaya in maamul goboleedyada la rabo in dalka laga hirgaliyo noqon karaan labo gobol iyo wixii ka badan halka heshiiska maamul u sameynta gobolada dhexe marka la eego kala qaybsanaanta gobolka  Mudug ka dhigeysa Hal gobol iyo bar taasoo ka horimaaneysa cahdi-qarameedka dalka u yaala.

Beesha caalmka ayaa dhowaan qoraal ay u soo dirtey Madaxweynaha Puntland ugu xaqiisay in maamul u sameynta gobolada dhexe aysan khatar galineyn jiritaanka Puntland balse taas waxaa ka biyo diidey Xukumada Gaas.

Warar dheraad ah oo kasoo baxaya safar dhowaan uu Madaxweynaha Puntland ugu ambaxey magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in dowladda Ethiopia u sheegtey mudane Gaas mowqifkeeda ku aadan maamul u sameynta gobolada dhexe taasoo daaha kaga qaadey sida ay u taagersan tahay maamul u sameynta goboladaas iydoo marna ka horimaaneyn midnimada Puntland.

Dowlada Ethiopia oo ciidamadeeda ka tirsan yihiin AMISOM ayaa dadaal dheer u gashey sidii gobolada dhexe uga xoreyn laheyd Al-Shabaab halkaasoo saldhigyo xoogan ku lahaayeen muddo badan.

Garowe Online, xafiiska Muqdishu

Related Articles

Axmed Madoobe oo mar kale usoo gurmaday Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Jubaland ayaa la sheegay inuu xalay heshiis kale dhex-dhigay Xasan Sheekh iyo Laftagareen.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 06:01AM

Golaha Wasiirada Jubaland oo ka shiray la dagaalanka kooxda AS

Wasaarada Amniga gudaha ayaa golaha la wadaagtay xogta howlgalada socda iyo khasaaraha.

  • Soomaliya

    19-09-2024

  • 01:40PM