Madaxda Somalia oo dirtay hambalyo ku aadan ciidul Adxa

Image

24 September, 2015(GO)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u direy guud ahaan ummadda Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda ciidul Adxa awgeed, waxaana uuna ku booriyay in ay is cafiyaan.

Mudane Xasan ayaa sidoo kale sheegay in maalmahan fadliga leh awgeed loo baahan yahay in la caawiyo dadka danta yar isla markaana laga farxiyo si dadka kale ula qeybsadaan farxadda munaasabadda ciida.

Madaxweynaha waxaa uu dadka Somaliyeed u rajeeyay inay ciiddan ciideeda ku gaaraan nabad iyo barwaaqo.

Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu tacsi u direy ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho, halka kuwii ku dhaawacmayna ilaahay ugu baryay caafimaad deg deg.

Sidoo kale Ra’iisulwasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa dhankiisa hambalyo u direy dadka Somaliyeed munaasabadda Ciidul Adxa awgeed.

Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan “ Jawaari” oo diray hambalyo la mid midda ay direen madaxweynaha iyo  Ra'isul wasaraha ayaa shacabka Somaliyeed ku adkeyay inay bixiyaan sadaqada isna cafiyaan.

Maanta oo Khamiis ah ayaa goobo badan oo caalamka ka mid ah laga ciidi doonaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM