Madaxda Soomaalida oo loogu baaqay inay ku daydaan Eritrea iyo Itoobiya

Image

BRUSSELS - Wakiilka Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya, Micheal Keating ayaa sheegay in hogaamiyaasha Soomaalid ay tahay inay eegaan waxa ka socd dalalka Deriska ah, taasoo uu tilmaamay tahay mid ugu yaraan mudan in lagu daysado.

Isagoo hadal-jeedin ka sameynayay Shirka Arrimaha Soomaaliya ee ka furmay wadanka Belgium ayuu Keating shaaca kaga qaaday in talaabadda ay qaadeen madaxda Itoobiya iyo Eritrea ay tahay mid sare uqaadi karta wacyiga Soomaalida.

"Itoobiya iyo Eritrea waxay qaadeen talaabo sare u qaadeysa nabada iyo xasiloonida. Dhanka kale, waa mid noolayn karta waciyaga iyo nolasha dadka Soomaaliyeed. Waxaana aragnaa inay tahay mid mudan in lagu daysado," ayuu Keating si cad u yiri.

Itoobiya iyo Eritrea ayaa hogaamiyaashooda waxay soo afjareen colaad ka dhaxeysay muddo 20-sano ah, taasoo galaafatay nolasha 80-kun oo qof, waxayna Bog cusub u fureen xiriirkooda dhanka, diblumaasiyadda, ganacsiga iyo wada shaqaynta.

Dhinaca kale, Danjiraha Qaramadda Midoobay oo ka warbixinayay dhaqdhaqaaqyadda dhanka amniga iyo Siyaasadda dalka ayuu sheegay inay tahay horumar la taaban karo laga sameeyay, inkasta oo uu qiray inay jiraan caqabado.

"Caqabadda ugu wayn waxay tahay al-Shabaab oo wali awood leh. Tan labaad, waa siyaasadda aan loo dhamayn. Waxaana rajeynayaa in Beesha Caalamku joogteyso kaalmada ay siiso Soomaaliya si looga talaabo," ayuu hadalkiisa ku daray Keating.

Keating ayaa ayaa ugu dambeyn bogaadiyay horumaradii laga sameeyay Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay, isagoo dhanka kale hoosta ka xariiqay in wali dalka uusan gaarin hiigsigiisa, oo ah in nabadeeyo, in la dhameystiro Dastuurka iyo in la gaarsiiyo doorasho qof iyo qof ah 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM