Madaxda Soomaaliya iyo Kenya oo kulmay kadib go'aankii ICJ

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq, ayaa shalay magaalada Muqdisho kula kulmay danjiraha Kenya Lucas Tumbo, waana markii ugu horreysay tan iyo markii maxkamadda ICJ ay go'aamisay dacwadda muranka badda Oct 12.

Sida ay mas’uuliyiintu sheegeen, kulanka ayaa ahaa mid lagu dhisayo guddiga wadajirka ah ee iskaashiga, kaasoo ay isku afgarteen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha Kenya kulankii ay yeesheen bishii August.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo safiirka Kenya waxay ku heshiiyeen in la dardargeliyo kalfadhiga saddexaad ee Guddiga Wadajirka ah si loo sii amba qaado dhinacyada danta guud, sida ganacsiga, maalgashiga, amniga, difaaca, beeraha, dalxiiska, iyo dadka” xiriirka dadka iyo dadka.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal ee jaarka ah ee bariga Afrika ayaa ahaa sannadihii u dambeeyay mid hooseeya. Qayb weyn oo ka mid ah khilaafkooda waxuu salka ku hayay muran dhinaca badda ah oo ay maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay go'aamisay bishii hore.

Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankan, iyadoo Farmaajo uu ugu baaqay Kenya inay aqbasho xukunka maxkamadda ICJ.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa si cad u sheegay in dowladdiisa ay diiday go’aankaas, islamarkaana aysan ka tanaasuli doonin hal taako oo ka mid ah dhulka Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM