Madaxda Soomaaliya iyo Qadar oo ka shiray "faragelinta Itoobiya"

Image
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Bin Xamad Al Thaani ayaa ku kulmay Dooxa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Bin Xamad Al Thaani oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyo weliba xaaladda gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay iskaashiga iyo xiriirka taabbo-galka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar ayaa uga mahad celiyey Amiir Tamiim Binu Xamad Al Thaani iyo Xukumadda dalkaas go’aanka walaalnimada ah ee ay ku garab istaageen midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo safka hore kaga jira dalalka walaalaha ah ee mowqifka cad ka qaatay faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay gobanimada Soomaaliya.

Amiirka Dalka Qatar ayaa la wadaagay madaxweynaha taageerada iyo garab istaagga ay u hayaan dowladnimada, midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isagoo tilmaamay khatarta ay leedahay in Geeska Afrika iyo Badda Cas laga abuuro degenaansho la’aan saameysa xasilloonida dalalka iyo wada noolaanshaha shucuubta Gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saddexdii toddobaad ee ugu dambeeyay waxaa uu ku guda jiray dadaalo diblomaasiyadeed oo lagu xaqiijinayo ilaalinta qaranimada dalka iyo in la adkeeyo amniga gobolka, kadib markii dowladda Ethiopia ay heshiis sharci darro ah la gashey maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM