Madaxda Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo ku kulmi doona magaalada Qaahira

Image
Madaxweynaha Masar ayaa booqasho ku casuumay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Qaahira (GO) - Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar, Axmed Abu Zeid, ayaa shaaca ka qaaday in Wasiirka Arrimaha Dibadda, Sameh Shoukry uu ku wajahan yahay Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eritrea.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sharaxay in Shoukry uu gaarsiin doono Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi, taasoo ku saabsan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.

Afhayeenka ayaa sheegay in Wasiirka arrimaha dibadda Masar uu sidoo kale kulan wada tashi ah la yeelan doono dhiggiisa Dowladda Eritrea, Cismaan Saalax, iyadoo la sii wadi doono wadatashiga ku aadan caqabadaha hadda taagan ee heer gobol iyo heer caalami, oo ay ugu muhiimsan yihiin, dagaalka Marinka Qasa iyo xaaladda ka taagan Geeska Afrika.

Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi uu booqasho ku casuumay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM