Madaxda Soomaaliyeed oo ka tacsiyadeeyay geerida guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Cali Ugaas Cabdulle ayaa maanta ku geeryooday magaaladda Muqdisho, isagoo maalmo dhwor ah ku sugnaa isbitaalka Digfeer ee ku yaala Caasimadda.

Mas’uuliin ka tirsan dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid AUN Cali Ugaas Cabdulle, iyagoo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska uu ka baxay marxuumka iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud ayaa ku yiri la soo dhigay barta Facebook ee madaxtooyada:

“Inna lillaahi wa inna ilaayhi raajicuun Alle ha u naxariisto Duqii hore ee magaalada Muqdisho Cali Ugaas Cabdulle oo ahaa Siyaasi ruug caddaa ah iyo Nabaddoon door weyn kasoo qaatay nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo samatabixinta dadka soomaaliyeed”.

Dhanka kale,Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yussuf Xuseen Madaale ayaa fariin u diray Qoyskii, Ehelkii, Qarabadii iyo guud umma Soomaaliyeed oo uu ka baxay AUN Cali Ugaas Cabdulle.

Gudoomiyaha ayaa sheegay: “Allaha Unaxariisto Marxuumka waxa uu door mug leh kulahaa Nabadeynta, Dib u heshiisiinta, isku keenida ummada Soomaaliyeed iyo dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.”

Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Cali Ugaas Cabdulle ayaa hore u qabtay xilkaas Xilligii dowladda Militariga inta u dhaxaysa 1987-1990-kii, waxuuna kaalin mug leh ka ciyaaray dowlad dhiska Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM