Madaxii Maaliyadda ee AS oo lagu dilay Gobolka Baay

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Ciidamada xoogga dalka ayaa saakay qaarijiyay Sargaal ka tirsan ururka AS, kadib howlgal ay ciidamada xoogga dalka ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Howlgalkan oo uu horkacayay taliyaha qeybta 46-aad ee ciidanka xoogga dalkaX/Le Xasan Aadan Maxamed ( Xasan Taar) ayaa lagu dilay Madaxii Maaliyada Ee Gobalka Baay iyo horjoogiyaal sar sare ee katirsan kooxda .

Dowladda ayaana wali shaacin xubnaha kale ee lagu dilay weerarkaas oo ay ciidamada doonayeen in ay ku weeciyaan awoodda ay kooxda ‘AS’ ku leeyihiin deeganada konfureed.

Ciidamada xoogga dalka waxa ay howlgalddan si gaar ah ula beegsadeen deegaannada “Adeegow Garaar” , "Warta Dollar", “Weeley Bagal” iyo “Eey-Duuraay” oo ku yaalla gobolka Baay, ee koonfurta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM