Madaxii qaraxyadda Al-Shabaab ee Shabeellaha Hoose oo "la dilay"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Warbaahinta ku hadasha afka Dowladda Soomaaliya ayaa maanta baahisay in la dilay sarkaal sarre oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Maxamed Cusmaan Baluush ayaa la sheegay in uu ahaa madaxii qaraxyadda ururka gacansaarka la leh Al-Qaacida ee Shabeellaha Hoose.

Wakaalada wararka Qaranka oo warkaan faafisay ayaa shaacisay in howlgalka lagu dilay ninkaan uu ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolkaas.

"Horjoogahan ayaa markii uu arkay ciidamadda lasoo baxay qori AK 47 isla markaana dagaalamay," ayay SONNA tiri, iyaddoo soo xigatay saraakiil.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan sheegashadan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Warkaan ayaa kusoo aadaya iyaddoo ay jireen warbixino ku aadan in ciidamadda ay xaafada Xudurweyne ee degmadaas ku dileen nabadoon.

Goobjoogeyaal ayaa qadka telefoonka ugu sheegay warsidaha Garowe Online in ciidamada ay horey u qaateen meydka Baluush.

Waa kuwa Maxamed Baluush?

Sidda ay sheegtay SONNA, Baluush ayaa bedelay Maxamed Siidow oo lagu dilay duqeyn uu Mareykanka fuliyey 28-kii December, sanadkii 2019.

Weerarkaas dhanka cirka ah ayaa la wariyey in uu ka dhacay tuulada Caaliyow Boorow ee isla gobolkaas.

Ismaacil Cabdi Maalik, taliyaha kumaandooska Soomaaliya, ayaa ku adkeystay in Baluush uu mas'uul ka ahaa qaraxyo lagu dilay shacab iyo askar.

"Dhagar-qabahani wuxuu ahaa dhiig cab rayid laayey," ayuu ku daray, isagoo aan ka jawaabin in ciidamo Mareykan ah ay qayb ka ahaayeen howlgalka.

Shabeellaha Hoose ayaa wuxuu kamid yahay gobolada ay joogitaanka badan ku leedahay Al-Shabaab lagana soo abaabulo falal khaarijinta iyo qaraxyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM