Madaxwaynaha Jubaland oo la kulmay Col. Barre Hiraale

Image

Kismaayo,Somalia 30.August [GAROWE ONLINE] Hoggaamiye Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo mudo sanad ah isaga iyo ciidan ka amar qaatay ku sugnaa duleedka waqooyi ee magalada Kismaayo ayaa maanta oo Sabati ah soo gaaray magalada Kismaayo.

Wada hadalka lagu soo xareeyay Barre iyo ciidankiisa ayaa qaatay mudo afar maalmood ah taasoo lagu qanciyay Barre inuu qayb ka noqdo dib u heshiisiinta Jubbooyinka iyo Gaddo.

Wararka soo gaaraya warsidaha GO ayaa tibaaxaya ciidanka Barre ee uu lasoo gaalay magalada Kismaayo hubka looga reebay bar Kaantarool oo Kismaayo banaankeeda ku taala isla markasna loo gudbiyay dhanka xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ay deggan yihiin ciidanka AMISOM.

Madaxwaynaha mamulka Jubba Axmed Madoobe iyo Col.Barre Hiiraale ayay wararku sheegayaan inuu hada shir uga socda xarunta Jaamacadda kaasoo aan xog badan laga hayn.

Balse wariyayaasha Kismaayo ayaa lagu war galiyay inaysan wax sawirro iyo xog ah hadda heli doonin balse laga war sugo waxyaabaha kasoo bixi kara hadalka labada dhinac.

Wada hadalka labada dhinac u dhaxeeya ayaa waxaa garwadeen ka ah masuuliyiin ka socda DFS iyo IGAD waxana lagu wadaa Barre in loo kaxeeyo magalada Muqdisho ciidanka ka amar qaatana dhaqan celin loogu sameeyo Kismaayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga oo Markabka Casriga ah ee Çağrı Bey u soo Diray Soomaaliya

Tallaabadan ayaa waafaqsan aragtida Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ee ah in Turkigu noqdo dal soo saara tamarta uu isticmaalo.

  • Soomaliya

    15-02-2026

  • 06:12PM

Golaha Mustaqbalka oo ku kulmay Muqdisho xilli xaraaradda doorashooyinku kordheyso

Sida ay ilo xog-ogaal ahi sheegayaan, kulankii ka dhacay Hotel Airport Golaha Mustaqbalka…

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 09:05PM