Madaxwaynaha Jubaland oo la kulmay Col. Barre Hiraale

Image

Kismaayo,Somalia 30.August [GAROWE ONLINE] Hoggaamiye Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo mudo sanad ah isaga iyo ciidan ka amar qaatay ku sugnaa duleedka waqooyi ee magalada Kismaayo ayaa maanta oo Sabati ah soo gaaray magalada Kismaayo.

Wada hadalka lagu soo xareeyay Barre iyo ciidankiisa ayaa qaatay mudo afar maalmood ah taasoo lagu qanciyay Barre inuu qayb ka noqdo dib u heshiisiinta Jubbooyinka iyo Gaddo.

Wararka soo gaaraya warsidaha GO ayaa tibaaxaya ciidanka Barre ee uu lasoo gaalay magalada Kismaayo hubka looga reebay bar Kaantarool oo Kismaayo banaankeeda ku taala isla markasna loo gudbiyay dhanka xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ay deggan yihiin ciidanka AMISOM.

Madaxwaynaha mamulka Jubba Axmed Madoobe iyo Col.Barre Hiiraale ayay wararku sheegayaan inuu hada shir uga socda xarunta Jaamacadda kaasoo aan xog badan laga hayn.

Balse wariyayaasha Kismaayo ayaa lagu war galiyay inaysan wax sawirro iyo xog ah hadda heli doonin balse laga war sugo waxyaabaha kasoo bixi kara hadalka labada dhinac.

Wada hadalka labada dhinac u dhaxeeya ayaa waxaa garwadeen ka ah masuuliyiin ka socda DFS iyo IGAD waxana lagu wadaa Barre in loo kaxeeyo magalada Muqdisho ciidanka ka amar qaatana dhaqan celin loogu sameeyo Kismaayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

STC oo Ballaarisay Gacanta ay ku Hayso Koonfurta Yemen

Toddobaadkii la soo dhaafay, STC waxay billowday hawlgal milatari ay ugu….

  • Soomaliya

    12-12-2025

  • 09:07AM

Soomaaliya oo la sheegay in la dhex-marsiiyo hub loo gudbiyo Xuutiyiinta Yemen

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib shir heer sare ah oo Qaahira ku dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

  • Soomaliya

    11-12-2025

  • 01:50PM