Madaxwayne Xasan Sheekh oo cambaareeyay weerarka Moscow

Image
Kooxda ISIL ee fadhigeedu yahay wadamadda Suuriya iyo Ciraaq ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda weerarkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay weerarka ka dhacay caasimada Ruushka ee Moscow kaas oo ay ku nafwaayeen in ka badan 60 qof shacab ah, sidda ay sheegtay Villa Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay in "Madaxweynaha uu tacsi tiiraanyo leh u dirayo dhamaan ehelada dadkii ku geeriyoodey weerarkaas".

Bayaanka oo lagu daabacay ciwaanka Villa Soomaaliya ku leedahay Twitter-ka ayaa hoosta looga xariiqay in Xasan Sheekh uu murugada la wadaagayo dhigiisa Vladimir Putin iyo shacabka Ruushka.

"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka argagixisada aadka u xun ee ka dhacay hoolka riwaayadaha ee magaalada Moscow," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa intaas ku daray: "Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray eheladii iyo qaraabadii ay dadkooda ka geeriyoodeen iyo dhamaan dadkii ay saamaysay masiibadan foosha xun".

"Wuxuu si kal iyo laab ah ugu duceeyay Madaxweyne Vladimir Putin iyo shacabka Ruushka wakhtigan murugada leh. Dowladda Soomaaliya waxay ku garab taagan tahay shacabka Ruushka arrintan adag waxayna diidan tahay dhammaan noocyada rabshadaha iyo argagixisada," ayaa lagu soo xiray war-saxaafadeedka.

Kooxda ISIL ee fadhigeedu yahay wadamadda Suuriya iyo Ciraaq ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda weerarkan oo yimid todobaad kadib markii dowladda Mareykanka ay ka digtey in ay Moscow ka dhici karaan falal amni darro ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM