Madaxwayne Xasan Sheekh oo eedeyn culus u jeediyay Al-Shabaab

Image
Ugu yaraan 34 degmo oo ka tirsan Soomaaliya ayaa waxaa tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkan ka da’ay roobab mahiigaan ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Tirada dadka ku dhintay roobabkii lixaadka lahaa ee ka da’ay Soomaaliya ayaa gaartay 101 qof iyadoo 1 milyan oo qof ay ku barakaceen 1.5 milyan oo qofna ay saameeyeen guud ahaan dalka, sida uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud gelinkii dambe ee Arbacadii.

Xasan Sheekh ayaa intaas u ku daray in 16-kii sano ee la soo dhaafay kooxda Al-Shabaab ay dadka ka hor istaageen tacabka beeraha iyo wax soo saarka, isla markaana ay u diideen hay’adaha samafalka in ay caawiyaan dadka ku dhaqan deegaannada ay maamulaan.

Waxa uu intaa ku daray in iyadoo la kaashanayo beesha caalamka iyo hay’adaha gargaarka, laga hortagay gaajo iyo macluushii sanadka 2022-ka taasoo dhibaato u geysan lahayd in ka badan 7.7 milyan oo qof oo dalka ku nool.

Ugu yaraan 34 degmo oo ka tirsan Soomaaliya ayaa waxaa tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkan ka da’ay roobab mahiigaan ah iyo daadad, kuwaasoo intooda badan ka da’ay deegaannada koonfurta, sida uu Arbacadii warbixin kooban ku sheegay xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA.

Maamullada Hirshabeelle iyo Koonfur-Galbeed iyo Jubaland ayaa ah meelaha ugu badan ee ay saameyntu ka dhacday inkasta oo dowladda federaalka aysan gaarsiinin wax muuqda. "Dadkeena meel kasta oo ay dalkan ka joogaan waxaa saameeyay daadadka isbeddelka cimilada," ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Garsoore Cumar Cartan Kaddib Eedeymo Argagixiso oo Maraykanku u Jeediyay

Tani waa arrin gooni ah, mana dhaawici doonto xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 01:23PM

Xasan Sheekh: Aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland waa mid kamid ah maalmaha ugu madow taariikhda Soomaaliya

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay weli taageersan tahay xalka laba dowladood ee arrinta Falastiin.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 09:07AM