​Madaxweynaha DDSI oo ka hadlay weerarkii Gaashaamo

Image

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamed Cumar, ayaa ka hadlay shaqaaqo dhawaan dad badan lagu laayay oo ka dhacday deegaanka Gaashaamo oo dhaxa xadka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay isagoo haatan safar ku jooga dalka Australia in shaqaaqadaasi dhacday waqtigii uu kasoo maqnaa dalka islamarkaana, islamarkaana dhibaatadu ka kacday isfahamwaa ka dhashay baabuur siday alaab kotorobaan ah, taasi oo ciidamada u xilsaaran ku qabteen deegaanka Gaashaamo.

Cabdi Ilay, oo la hadlay Idaacad lagu magacaabi SBS, ayaa sheegay in arrintaasi loo xilsaaray guddi soo baaray sida wax u dhaceen iyo tirada dadka ku dhintay, wuxuuna sheegay inaysan xaqiiqadu ahayn sida loo soo tabiyay.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in lagu dagaallamo arrin si fudud loo dhammayn karo, isagoo sheegay inay dhibkaasi mas'uuliyaddiisa lahaayeen kooxo doonayay inay khasab ku kaxaystaan baabur lagu qabtay alaabo mamnuuc ah.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomalida Ethiopia, ayaa beeniyay in tirada dhimashadu tahay tirada lasoo wariyay ee kor u dhaafaysa 20-ka, balse ma uusan sheegin tirada dadka la laalayay.

Dhawaan ayaa iska hor imaad dhexmaray ciidamo ka tirsan DDSI iyo dad shacab ah, waxaa ku dhintay in kabadan 21 ruux.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM