Madaxweynaha JFS oo Garoonka diyaaradaha ka sii sagootiyay dhaawacyada weerarkii SYL

Image
Tirada dhaawacyada mas’uuliyiinta iyo shacabka ayaa gaaraysa 19-qof.

Muqdisho, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa garoonka diyaaradaha ee Aaddan Cadde ku sii sagootiyey mas'uuliyiin ku waxyeeloobay weerarkii Hotel SYL.

Masuuliyiintan ayaa xaaladdooda caafimaad lagu soo daaweynayo dalka dibaddiisa, gaar ahaan dalka Turkiga, sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka XFS Dr Cali Xaaji Aadan.

Tirada dhaawacyada mas’uuliyiinta iyo shacabka ayaa gaaraysa 19-qof, oo isugu jiray kuwo qaba dhaawacyo fudud iyo kuwo culus, waxaana hoteelka ka soo badbaadiyay ciidamada dowladda.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya oo ay tababar ku qaadanayaan qaar ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo dhiggiisa dalkaas kala hadli doono iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM