Madaxweynaha JFS oo hadal ka jeediyay munaasabadda qalinjabinta Dufcadda 22-aad ee Jaamacadda Ummadda

Image
Dufcadda 22-aad ee ka baxda Jaamacadda ayaa tiro ahaan gaarayey 1535 Arday.

Muqdisho, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda qalinjabinta dufcadda 22-aad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Ardayda maanta ka qalinjabisay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ah dufcaddii 22-aad ee ka baxda Jaamacadda ayaa tiro ahaan gaarayey 1535 Arday, kuwaasi oo dhammaystay kulliyadaha kala duwan ee heerka koowaad iyo heerka labaad ee taqasuska sare.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda kaga hadlay mudnaanta ay dowladdu siinayso tayaynta waxbarashada dalka iyo muhiimadda bixinta canshuuruhu u leyleyihiin horumarinta adeegyada bulshada.

Wuxuu sidoo kale dul istaagay dadaalkii dowladda soomaaliyeed u gashay dib u furidda Jaamacadda Soomaaliyeed oo la hirgaliyay sanadkii 2014 ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso hormarinta iyo kor u qaadida waxbarashada dalka.

“Waxbarashada dalkeennu waxa ay soo martay duruufo kala duwan, waxaana maanta joognaa in intaan oo arday ah ay ka qalinjabiyaan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, taas oo daliil u ah in haddii la wada dadaalo oo gacmaha la is-qabsado aynu gaari karno natiijo tan ka sii weyn. Waa in muwaadiniintu si hufan bixiyaan canshuuraha qaranku ku leeyahay”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo Isku Haya Doorashooyinka iyo Dastuurka Soomaaliya

Xiisaddan siyaasadeed ayaa imanaysa iyadoo ay weli jirto walaac laga qabo jihada mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 10:42PM

Halkee Marayaa Shirkii u Dhexeeyey Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka?

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ay guul-darraysteen dadaallo hore oo lagu doonayay…

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 03:08PM