Madaxweynaha JFS oo maanta khudbad ka jeedin doono Golaha Baarlamanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maanta waxaa furmaya kalfadhiga afaraad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya kadib fasax ay ku maqnaayeen ْxildhibaanada dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu furo kalfadhigan oo khudbad ka jeediyo Golaha baarlamaanka.

Inta uu socdo kalfadhigan ayaa waxaa looga hadli doonaa ajanda muhiim ah oo ay ka mid yihiin wax ka bedelka dastuurka KMG ah, iyadoo sidoo kale jiraan shuruuc ay soo gudbisay dowladda federaalka.

Dhanka kale waxaa todobaadyadii la soo dhaafay soo baxayay warar ku saabsan isku dayga qaar ka mid ah Xildhibaanada oo doonaya in ay kalsoonida kala noqdaan Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Iyadoo la isku khilaafsan yahay wax-ka-beddelka dastuurka, doorka dowlad goboleedyada ay ku leeyihiin iyo arrimo kale oo siyaasadeed, shacabka ayaa sugaya go’aanka Baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM